Lixdan Jir ka qeybgalaya Imtixaanadka Dugsiyada sare ee sanadkan

Ahmadey Saney,waa nin da’ah oo qayaas ahaan ku jira 50 ama 60 sanno waxa uu kamid yahay dadka imminka u fadhiya imtixaanadkan mideysan ee dugsiyada ee sanadkan.

Waxa uu kamid yahay 45,000 oo arday oo imtixaan u fadhisa dalka oo dhan,isaga waxa uu ku sugan yahay degmada Balcad ee gobolka Shabeele Dhexe.

Ninkan ayaa hambalyo ka helay dhamaan dadka ay ehelka yihiin iyo asxaabtiisa qaar kamid ahna baraha bulshada ayay ugu hambalyeynayen.

Dowlada Soomaaliya ayaa sanadkii labaad qaadeysa imtixaanka dugsiyada sare iyo dhexe.

FOurty Ahmed

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor