Liibiya: Tahriibayaal la soo badbaadiyey iyo maydad la helay

Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya ayaa sheegay inay 191 Tahriibayaal oo ay ku jireen Haween iyo Carruur ka soo badbaadiyeen meel ka baxsan Xeebaha Galbeedka magaalladda Tripoli.

Afhayeenka Ilaaladaasi, Ayuub Qaasiim ayaa sheegay inay dhowr Hawlgal ka fuliyeen Badda Mediterranean-ka, kuna soo badbaadiyen Tahriibayaashaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay heleen maydadka 5 qof oo ka mid ah Tahriibayaashii la socday Doonidaas oo xaallad adag ku qabsatay xeebaha ka baxsan Deegaanka Mellilah.

Koox kale oo Tahriibayaal ah oo tirdaoodu dhamayd 76 qof ayaa la sheegay in laga qabtay meel ka baxsan Degmadda Zawiya ee Galbeedka Tripoli.

Tahriibayaashaasi oo la soo badbaadiyey maalmihii Axadda iyo Isniinta ee isbuucan waxaa loo soo gelbiyey Saldhig Ciiddanka Badda ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Tripoli.

Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Libya waxa kale oo uu  sheegay inay Tahriibayaashaasi isugu jiraan Carab iyo Afrikaan, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha dalka Talyaaniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media