Lacag Dhawr Milyan Kor U Dhaafaysa oo Laga Uruuriyey Xaflad xalay lagu qabtay M/Hargeysa

Xarunta  madaxtooyada Somaliland oo lagu qabtay munaasibada xuska 18 May oo qaaraan uruurin loo badelay ayaa xalay laga uruuriyey lacag dhan saddex milayn iyo boqol kun oo doolar in ka badan,

waxaana munaasibadaasi  ka soo qayb galay ganacsatada waaweyn ee Soomalilinad  iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliland oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa farrin qaaraan uruurin ah u diray bulshada munaasibada isugu timi, wuxuunu khudbadiisa kaga hadlay madaxweynuhu muhiimada ay leedahay in laysku tiirsado, wax lays taro iyo in loo gurmado dadka ay  abaaruhu aafeeyeen oo ku xoolo belay .

Munaasibada qaaraan uruurinta oo toos looga daawanayey warbaahinta kahowlgasha deegaanada maamulkaasi  ayaa waxa ka soo qayb qaatay shacabka somaliland ee qurbaha ku sugan, iyaga oo liiska qoraalka iyo adeegyada kala duwan ee lacagaha lagu diro kaga soo qayb qaatay qaaraaanka.

.Soomaliland ayaa kamid ah meelaha ugu badan ay saameeysay abaarta sanaddkan kudhufatay meelo badan oo kamid ah Soomaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media