Labo Walaalo Somali-British ku biirtay Kooxda Daacish oo lagu dilay Syria.

Labo wiil oo Walaalo ah oo lagu kala magacaabo Khaliif Shariif iyo C/raxmaan Shariif ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen, iyagoo ka barbar dagaalamayo Kooxda Daacish ee ka dagaalanta gudaha dalka Syria.

Wargeyska The Manchester Evening News ayaa qoray in Labada Walaal oo da’doodu kala ahayd 18 jir iyo 21-jir la rumeysan yahay inay Britain ka ambabaxeen bishii November ee sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ay tageen dalka Syria, kuna biireen Kooxda Daacish.

Labada Wiil ee wiilashaasi ayaa la rumeysan yahay inay Kooxda Daacish ku soo wargeliyeen in C/raxmaan Shariif la dil iyo in Walaalkiisa Khaliif Shariif la la’ yahay, loona maleynayo inuu geeriyooday.

Guddoomiyaha Hay’adda Ramadan Foundation ee magaalladda Manchester ee dalka Britain, Maxamed Shafiiq ayaa isagana sheegay inay Daacish xaqiijiyeen geerida C/raxmaan Shariif iyo in Walaalkiisa ka weyn Khaliif Shariif la la’ yahay, loona tirinayo inuu geeriyooday.

Dhinaca kale, Afhayeenadda Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Britain, waxay diideen inay xaqiijiyaan in Labada Walaalaha Somali-Britishka inay geeriyoodeen.

Waxayna intaasi ku dartay inay ku baraarugsan yihiin wararkaasi, balse aan la xaqiijin karin.

©Radio Dalsan