(SAWIRO): Labo qof oo lagu xiray meel ku dhow Maxadada Tareenadda ee Brussels.

Boliska dalka Belgium ayaa la sheegay inay labo nin ku qabteen meel ku dhow Saldhigga laga raaco Tareenaadda dhulka hoosteeda mara ee Metro Station ee Brussels.

Labada nin oo ku labisnaa Jaakad madow iyo Surwaal Jeans ah, ayaa la arkay iyagoo inta la xiray dhulka la seexiyey meel ku dhow Saldhigga Nord Station.

Boliska ayaa sheegay in raggaasi  la qabtay, kadib, markii mid kale oo is qarxiyey laga dheehday Kameerooyinka Qarsoon (CCTV) ee ku rakiban Garoonka Diyaaradaha Brussels.

Lama xaqiijin karo inay raggaasi ku lug leeyihiin qaraxa, waxaana Muuqaalkaasi soo duubay Nin Saxafi ah, kaasi oo sheegay in raggaasi lala xiriirinayo qaraxyaddii maanta ka dhacay Brussels.

Ugu yaraan 34 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaasi, iyadoo in ka badan 100 kalena ku dhaawacmeen.

Ugu yaraan 55 qof oo qaba dhaawacyo culus ayaa ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Saldhigga laga raaco Tareenadda, halka 35 kalena ka mid yihiin kuwii ku dhaawacmay Garoonka Diyaaradaha ee Brussels.

Dhakhaatiirta waxay sheegeen in qaraxyadda maanta la adeegsaday yihiin kuwo ay ka buuxeen masaamiir, iyadoo dadka dhaawacmay jirkooda laga soo saaray masaamiir badan.

ARREST 2 arrest000 ARREST4 arrest01 ARREST3 ARREST 2 ARREST1 arrest5

qaraxyadda cusub009 BELGIUM POLICE4 ZAVENTEM AIRPORT 04 ZAVENTEM AIRPORT 000 ZAVENTEM AIRPORT 3 BRUSSELS METRO STATION ZAVENTEM AIRPORT2 BELGIUM POLICE3

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor