Labada Kuuriya oo dib u midoobi doona 68 sano kaddib

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-Un ayaa ballanqaaday “taariikh cusub” oo ku saasban xiriirka dalkiisa kala dhaxeeya dalka deriska ah ee Kuuriyada Koonfureed.

Kim Jong-Un ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Woqooyiga oo abid cagta saara dhulka Kuuriyada Koonfureed tan iyo sanadkii 1953, xilligaasi oo uu dhammaaday dagaalkii labadaasi dal.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-Un iyo dhiggiisa koonfurta Moon Jae-in ayaa ku kulmay gudaha dalka Kuuriyada Koonfureed, halkaa oo ay gacanta isku salaameen.

Kim Jong-Un ayaa markii uu ka tallaabay xariiqa kala qeybiya labada dal, waxa uu sheegay in la gaaray billowga nabad dhex marta labadani dal.

Kulanka labadani hoggaamiye ayaa yimid bilo uun kaddib hanjabaadihii dhanka dagaalka ah ee ka imaanayay dhanka Wqooyiga.

Kulanka ka hor, waxaa lagu sii heshiiyay waxyaabaha ay tahay in ay labadani hoggaamiye ka wadahadlaan, balse dadka falanqeeya arrimaha gacanka Kuuriya ayaa waxa ay shaki gelinayaan daacadnimada debecsanaanta ay muujineyso xukuumadda Pyongyang.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay oo dhex mara hogaamiyeyaasha labadani dal muddo ka badan toban sano ayaa loo arkaa tallaaba loo qaaday dhanka nabadda, gaar ahaanna gacanka Kuuriya.

Waxa uuna sidoo kale noqonayaa kii ugu horreeyay oo Kim Jong-un uu ka qeybgalo.

Kulankan ayaa sidoo kale rajo wanaasgan u ah nabad ka dhalata gacanka Kuuriya, maadaama qodobada laga wada hadlayo ay yihiin kuwa khuseeya tignoolajiyadda hubka Niyuukleerka, xayiraadaha kala geeyay qoysaska labada dhinac ku kala nool iyo in fursad la siiyo sidii loo gaari lahaa iskaashi dhaqaale.

Kim oo hadal ka jeediyay tuulo ku taala xudduudda labada dal oo uu kula kulmay dhigiisa Koonfurta ayaa waxa uu sheegay in maanta ay dhigayaan taariikh cusub oo horseedi doonto nabad, barwaaqo iyo xiriir wanaag dhex mara labada Kuuriya.

“Tariikh cusub ayaa hadda inoo billaabanaysa,” ayuu ku qoray buugga martida ee caadiyan martidu ay saxiixdo marka ay meel booqanayaan.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalku uu miro dhal ku dhammaan doono oo la gaari doono xal nabadeed, ka hor shir usbuucyada soo socda la qorsheynayo in ay wada yeeshaan Kim Jong-Un iyo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Wadahadalka ayaa laga yaabaa in diiradda lagu saaro sidii heshiis looga gaari lahaa barnaamijka Niyuukleerka Kuuriyada Woqooyi, kaa oo tobankii sano ee la soo dhaafay xawli ku socday.

Xukuumadda Seoul waxa ay sheegtay in ay adkaan doonto in xukuumadda Pyongyang heshiis lagala gaaro joojinta hubkeeda Niyuukleerka.

BBCSOMALIA

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media