Laba todobaad kadib maxaa iska bedelay Amniga Muqdisho(FAALO)

Mudo laba Todobaad ka badan Magaalada Muqdisho waxaa howlgalo har iyo habeen ah ka wada ciidamo la magac baxay Xasilinta amniga Caasimada ee muqdisho kuwaas oo la dagaalamaya cidwalba oo ay u arkaan in ay lidi ku tahay amniga Muqdisho  iyo rag Gaadiidka dagaalka iyo hubka Culus ku dhex wata gudaha Magaalada muqdisho.

Kadib go’aanadii ka soo baxay golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ciidamadu waxa ay ku guuleesteen in ay xasiliyaan amniga Muqdisho,waxaana dhacay howlgalo mararka qaar sababay in la is rasaaseeyo balse markii dambe lagu guuleesto ujeedkii laga lahaa.

Inta uu howlgalka socday waxaa Muqdisho isaga baxay ciidamo iyo Gaadiidka dagaalka oo ay la haayeen rag siyaasiyiin iyo Ganacsato caan ah kuwaas oo ciidamadooda markii hore laga kari waayay in ay tagaan difaacyada balse hada ay dantu biday.

Baraha bulshada ay siticmaasho sida Facebook ayaa hadalheynta ugu badan ee ciidamada Howlgalka wada ay noqotay kuwo ayaa dhaliilaya halka kuwo kale ay amaanayaan,waxase isweeydiin laheyn in Ciidamaas ay wax badan qabteen labadii todobaad ay Muqdisho howlgalka ka wadeen isbedelna laga dareemay.

Waaxyaabaha sida aadka ah ay dadku qaarkood ay wadaagayaan  ayaa ahaa in haatan la bilaabay in hubka laga dhigo beel gaar ah oo ay ula jeedeen Beelaha dega Gobolka Banaadir iyadoo muuqaalo laga soo duubay dad isugu jir rag iyo Dumar balse commentiyada ugu badan ay helayeen ayaa ahaa dhaliilo loo jeedinayay qofka Muuqaalkaas soo dhigay Bartiisa Facebook.

Siyaasiin xilal horay uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray iyo Saraakiishii hore ayaa iyana ku kala aragti duwan,balse Shacabka Soomaaliyeed oo badan kood lagu tilmaamo haye raac ayaa hada ka duwan sidii hore iyagoo u sacab tumaya ciidamada kuna dhiirigelinaya in ay howlgalka siiwadaan taasina waxa ay niyad jebineysaa kuwa doonaya in Muqdisho ay iska ahaato allow Sahal.

Maanta Bisha Ramadaan wa 12 markii aan isbarbar dhig ku sameeyo ramadaankii aan ka soo gudubnay waa wax aan isku qalmin waayo waa la ogaa wixii Muqdisho ka dhacayay laakin isweydiinta ayaa ah Madaxdu maxumee waqtiga ayaa dhiman rajada Shacabka ayaana ah mid ku sii dhiiragelineysa in ay Muqdisho hagaagi doonto hadii Go’aankii golaha Wasiirada iyo Madaxda Qaranka uu hirgalo.

Faaladeeydan ma ahan mid aan cid sigaar ah wax ugu dhimayo balse waxan matalayaa dareenka Shacabka aan adeegaha u ahay oo aan xogtooda ogaaday.

Iskusoo wada duuboo tani ayaa muujineysa in hadii la iskaashado wax badan la qabankaro waayo horay ayaa loo yiri (FAR KALIYA FOOL MADHAQDO)  oo micnaheedu yahay hadii la iskaashado ay wax walbo hagaagi karaan

W/D/ Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media