Laba Sarkaal Oo Uu Ajnabi Ku Jiro Kana Tirsan Al Shabaab Oo Lagu Dilay G/Shabeellaha Hoose.

Ciidamada Sida gaarka ah utababaran ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku guulaysteen khaarajinta Saraakiil ka tirsan Al Shabaab kadib howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga degaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Sida ay Dalsn ay uxaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ee gobolka Shabeellha Hoose Dhimshada Labadasi Sarkaal.

Howlgalkan Lagu dilay saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa ahaa mid mudooyinkan dambe ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ay ku daba jireen waxa uuna noqday howlgal sidii la rabay udhacay.

Zubeyr Almuhaajir, waxa uu kamid yahy Saraakiisha Ajaanibta ah ee  lagu dilay degaanka Buulo Mareer waxa uuna uqaabilsanaa Tababarada Al-shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose Sidoo kale waxaa howlgalka lagu dilay Sarkaal kale oo lagu magacaabo Macalin Cumar.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Ciidamada kumaandooska soomaaliya ayaa sameenaya howlgallada lagu baacsanayo Al Shabaab Si gaar ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media