Laba ka mida Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo Itoobiya looga yeeray

Wararka laga helayo magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in laba ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin halkaasi kadib markii dowladda Itoobiya u yeertay.

Musharax Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo Saciid C/llaahi Deni ayaa u dhoofay magaalada Adis iyagoo halkaasi kulamo kula leh madax ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo dowladda Itoobiya.

Ujeedka socdaalkooda ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo arrimaha doorshada Soomaaliya, waxaana hore halkaasi u tegay inta badan musharixiinta waaweyn sida Cumar C/rashiid, C/shakuur Warsame, Shariif Xasan iyo hogaamiyeyaasha maamulada dalka.

Waxaa la rumeysan yahay inay Itoobiya taageersan tahay dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh oo si is dabajoog ah marar badan isaga xaadiriyay dalka Itoobiya.

Goobjooge.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor