(LA-YAABKA & SAWIRO): Haweeney walfinayso madax ciyaal oo lagu qabtay magaalladda Mosko.

Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Raashiya ee Mosko waxay sheegayaan inay Saraakiisha gacanta ku dhigeen Haweeney wadatay madax ilmo meel ku dhow Saldhigga laga raaco Tareenka dhulka hoostooda mara ee (Oktyabrskoye Pole Metro Station).

Goobjoogayaal ayaa sheegay inayu Haweeneyda ku hanjabaysay inay is-qarxin doonto, balse, Boliska waxay sheegeen inaysan wadanin waxyaabaha qarxa.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Raashiya ayaa lagu xaqiijiyey in la qabtay Haweeneydaasi oo walfinaysay madax laga soo jaray gabar 4-jir ahayd.

Maydka gabadha aan madaxa lahayn ayaa laga dhismo uu dab qabsaday oo ku yaalla meel ku dhow Saldhigga Tareenadda, waxaana magaceeda Nastya M.

Goobjooge lagu magacaabo Alyona Kuratova ayaa u sheegay Telefishinka Raashiya ee Rain TV inuu ka soo baxayo Xarun Dukaamaysi, isla markaana uu arkay dad buuqaya, oo cararayo, kuna qeylinayo “Bam…Bam”.

Hooyada dhashay gabadha madaxa laga jaray oo ka shaqeysa Dukaanka Arooska ayaa la sheegay inay miyir beeshay, kadib markii ay tegtay Isbitaalka, isla markaana ogaatay geerida gabadheeda.

Ninkeeda ayaa isagana la sheegay inuu yahay Farsama-yaqaan ka shaqeeya Shirkad qaabilsan Telefoonadda Mobaylka.

Waalidka waxay u sheegay inay Haweeneydaasi iyaga u shaqeyn jirtay muddo 18 bilood ah, iyadoo Ilo wareed u sheegeen Wakaalladda Wararka ee INTERFAX in haweeneydaasi la daroogeeyey.

Kooxaha dab-damiska ayaa iyagana la sheegeen inay damiyeen dab ka kacay Dhismaha ay Reerkaasi degganaayeen, ka hor intaysan maydka gabadh aan madax lahayn ka heleen meel ku dhow Dhismaha u udabku ka kacay.

Haweeneyda la sheegay inay madaxa ka jartay gabadha yar ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Gyulchehra Bobokulova, waana 38 jir, ka soo jeedo dalka Uzbekistan.

M7 mosko1 M12 M11 M9 M6 M5 M4 M3 M2 M1

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor