Mid ka mid ah Shabeelka Duur-joogto ku nool Dhulka Kaymaha ee Masai Mara ee dalka Kenya ayaa waxa uu cagta cagta u saaray tiro Lo’ Kise oo doonaysan inay ka baxsadaan Shabeelka Hororka ee macluulsan.
Sawir-qaadaha Jarmalka ee inta badan soo sawira Duur-joogta Afrika, Mr. Ingo Gerlach ayaa soo qaaday Sawiradda Shabeelka eryana Lo’ Kisadda iyo sida uu ugu dambeyntii uu ula harayo mid ka mid ah Lo’ Kisida.
Shabeelka waxa uu Orod iyo Bootin isku daray sidii uu mar u qabsan lahaa mid ka mid ah Lo’ Kisida, si uu u raamsado hilibkeeda, una feento lafaheeda.
Sawir-qaadaha oo Wareysi siiyey Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa UK waxa uu sheegay inuu weerarka Shabeelka ku bilowday si keedisa sidii fallaar ka baxsatay Qaansadda ayuuna Shabeelka u eryaday Lo’dii oo uu ku helay dhulka Lama-degaanka ee Masi Mara.
Shabeelka waxa uu si gaar ah u ishaartay Lo’ Kisi 9 bilood jirtay, taasi oo uu ugu dambeyntii uu ka dhergay hilibkeeda, ka hor inta uusan la wadaagin dhowr Shabeel oo soo raajicisay hilibka Lo’ Kisida.
Waxaa ka sii daran Lo’ Kisaddii kale ee la socotay Lo’da la feentay waxay sheeda ka daawanayey sida uu Shabeelku u diirtay Lo’dii ay jaalka ahayeen.
Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska
@Radio Dalsan