(La-yaabka & SAWIRO): Qoysas Lammaanayaal Mataano isku eg oo ku wareeray inay is bar aqoonsadaan.

Wiilal mataano ah oo isla dhashay oo ku nool dalka Shiinaha ayaa waxay guursadeen gabdho mataano ah oo iyagoo kale isla dhashay iskuna muuqaal eg.

Qoysaska Lammaanayaasha wey isku wareereen, waayo Raggu wey isku eg yhiin, xaasaskana lama kala garan karo.

Wiilasha Walaalaha oo lagu kala magacaabo Zhao Xin iyo Zaho Xun waxay ka soo jeedaan Tuulladda Yuncheng City ee Gobalka Shanxi ee Waqooyiga Shiinaha.

Walaalaha waxay madax xanuun ku rideen qaraabadooda, tan iyo markii ay bilaabeen inay u haasaawo tagaan gabdho mataano ah oo lagu kala magacaaboYun Fei iyo Yun Yang, oo deggan Tuullo 6-miles ka fog halka ay Mataanaha wiilasha deggan yihiin.

Xitaa markii uu nikaaxooda dhacay muddadii lagu jiray Sannadkii cusubaa ee Shiinaha ee la soo dhaafay, waxay Lammaanayaasha iyo Waalidiintooda baaris dheeraad dhowr jeer ku sameeyeen si ay u hubiyaan inaan Lamaanayaasha si qalad ah la isugu nikaaxinin.

Lammaanayaasha  Wiilasha oo 22-jiro ah ayaa la sheegay inay aad isugu eg yihiin, xitaa lama kala garanayo codadkooda.

Dhibaatadda ugu weyn ayaa timid habeen markii ay casheeyeen inuu mid ka mid ah Ragga Mataanaha uu gacanta qabsaday Dumaashidiisa, isagoo moodayey Xaaskiisa.

Taasi oo naxdin ku beertay, markii uu dareemay inaysan Xaaskiisa ahayn oo uu ku qaldamay.

Wixii markaas ka dambeeyey Wiilasha Mataanaha waxay go’aansadeen in qaliin fudu la isku sameeyo, si ay u kala bar gartaan Xaasaskooda Mataanaha ah.

Go’aankaasi ayaa yimid, markii ay Saxaiibo iyo xubno ka tirsan Qoysaska kula taliyeen inay isku sameeyaan qaliin dhinaca Wejiga si aysan isugu qaldamin, maadaama ay yihiin Qoys Mataanayaal is-guursaday.

Wararku waxay sheegayaan in Isbitaal ku yaalla magaalladda Shanghai ee Bariga Shiinaha oggolaaday inuu Kiiska Lammaanayaashaasi Qaliin Hagaajin yar, si ay awoodaan in ay si fudud isugu qaldamin.

Sheekadan, waxay I soo xusuusisay Heestii Luul iyo Layla ee uu Fannaanka Axmedey Abuubakar Alcamaari qaado, waana khatar haddii aad ku kadsoonto Dumaashidaa, sida lagu soo bandhigay Riwaayaddii “Ma damci lahayd dumaashidaa?” oo sannadihii 70-aadkii lagu soo bandhigay Tiyaatarka Qaranka ee magaalladda Muqdisho.

MATAANAYAAL2 MATAANAYAAL3

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor