(LA-YAABKA & SAWIRO): Qaliin lagu sameeyo ilmo yar oo labo madax lahaa.

Before surgery picture of five-month-old baby boy, Yamanoor Kariappa who was born with occipital encephalocele ( a rare condition in which brain fluid bulge out of the skull bone) at Sapthagiri Hospital in Karnataka, IndiaYamanoor Naranal waa ilmo yar oo u dhashay dalka Hindiya, waxa uu lahaa labo madax oo mid dhinaciisa u korayey.

Aabihiisa, Karriappa Naranal oo 35 jir  iyo hooyadiisa Shridevi Naranal oo 28 jir waxay deggan yihiin Tuulladda Tavariyara ee Degmadda Karnataka, waxay sheegeen markii uu cunugooda dhalanaa maalmo inuusan wax rajo ah ka lahayn in la daaweeyo.

Lammaanayaasha waxay dhowr jeer booqdeen Isbitaalka Dowladda ee ku yaalla Degmadda Kustagi, iyadoo Dhakhaatiirta ka baryayey taageero, balse waa la celin jirey.

Waxaa ka luntay rajadda ay ka qabeen inay Wiilkooda u heli doonaan Daaweyn dhamaystiran.

Nin shaqaale caafimaad oo ka shaqeeya Xero Caafimaad ayaa ka codsaday Lamaanayaasha inay u socdaalaan magaalladda Bangalore, si ay cunuga uga helaan Isbitaal wanaagsan oo baaritaan ku sameeya.

Aabaha wiilka dhalay oo ah shaqaale dhismo oo maalintii soo hela 200 Ruppes (Lacagta Hindiya) oo u dhiganta 2 Geniga UK waxa uu sheegay inay Dhakhaatiir badan ku wargeliyeen inay 90% haddii wiilka lagu sameeyo qaliin inuu geeriyoon doono.

Dhakhaatiirta waxay xuseen inaysan suurtogal ahayn in si buuxda loogu guuleysto Qaliinka.

Markii wiilkii yaraa la geeyey Isbitaalka Sapthagiri ee Banglore bishii hore, waxa uu cabirka madaxa labaad la mid noqday madaxa hore ee caadiga ee uu lahaa wiilkaasi.

Bishii Maarso 27-dii ee la soo dhaafay, waxaa wiilkii yaraa ka badbaaday qaliin qaatay 6 saacadood oo madaxa labaad looga jaray ama laga bixiyey.

Dr Hariprakash Chakravarthy oo 38-jir. Kuna takhasusay qaliinka Neerfaha (A neurosurge) oo ka hawlgala Isbitaalka Sapthagiri Hospital ayaa yiri:-

“Xaalladan oo kale waxaa dhalata Hooyooyinka ku dhibaatooda Folic Acid”.

Waxa uu tilmaamay inay rajo kooban ka qabeen inay ku guuleystaan qaliinka, haddii uu cunugga yar ka bixi lahaayeen dhiigga, xitaa qiyaasta 10 ml ilaa 20 ml oo dhiig data waxa uu keeni karaa inuu Wadnhu shaqada joojiyo.

Balse, taasi ma dhicin, waxaana uu qalinku noqday mid lagu guuleystay, ilmihii yaraana ku badbaaday.

Yamanoor-yare waxa ugu dambeyntii Isbitaalka laga saaray afar maalin ka hor, isagoo haatan ka soo kabanayo qaliinka.

Aabe Kariappa waxa uu u mahadceliyey Ninka shaqaalaha caafimaadka ee talada ku siiyey inuu wiilkiisa geeyo Isbitaal Takhasusu ah, wuxuuna xusay inay xaalladda wiilkiisa fiican tahay oo uu si buuxda uga soo kabanayo qaliinka.

Ilmaha yar waxaa la filayaa in mar kale qaliin lagu sameeyo bisha soo socota ee May.

After surgery picture of five-month-old baby boy, Yamanoor Kariappa who was born with occipital encephalocele ( a rare condition in which brain fluid bulge out of the skull bone) at Sapthagiri Hospital in Karnataka, India

Before surgery picture of five-month-old baby boy, Yamanoor Kariappa who was born with occipital encephalocele ( a rare condition in which brain fluid bulge out of the skull bone) at Sapthagiri Hospital in Karnataka, India

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor