LA-YAABKA & SAWIRO): Nin mayd noqday oo halkii laga aasi lahaa, la door biday in Kursi lagu fariisiyo.

Muuqaalka sawiradda kuu muuqda waa maydka wiil dhallinyarro ah oo la oran jirey Fernando de Jesus Diaz Beato, 26, kaasi oo halkii laga gelin lahaa Naxashka ay Reerkiisa door bideen inay ku fariisiyaan Kursi.

Ninkaasi waxaa 15 xabbadood lagu dhuftay bishan March 3-da, isagoo ku sugan Deegaanka Villa Carolina oo ku dhow caasimadda Jasaa’irka Puerto Rico.

Juqraafi ahaan, Jasaa’irka Puerto Rico waxay ku taallaa W/bari ee Carribbean Island, waxayna deris la tahay Maraykanka.

Caasimaddiisa waxaala yiraahdaa San Juan. Lacagta Doolarka ayaa laga isticmaalaa, wuxuuna Calanka Jasaa’irkiisana yahay sidan:

CALANKA PUERTA RICO

Maydka waxa uu ku fadhiyaa Kursi, isagoo lugaha isa saartay, isla markaana gacanta ku haysta sigaarka.

Waxaaba ka sii daran inay Indhihiisa furan yihiin, lana moodo qof nool oo ku soo eegayo, balse waa mayd kursi la fariisiyey.

Boliska Jasaa’irka Puerto Rico weli cid uma soo xirin Toogashadaasi, waana xaalladaasi waxa ay qoyskiisa u door bideen inay sidaas u eegtaan, sidii qof weli nool.

Waxa lagu sheegay inuu ahaa qof faraxsan oo aad u firfircoon. Waxa uu ku fadhiyaa Kursiga isagoo lugahiisa isweydaariyey, waxa u xiran Koofiyad, wuxuuna sigaar ku haystaa farihiisa dhexdooda.

Mid ka mid ah Walaashiisa ayaa tiri:- “Qof kasta waxa uu la yaabaa xaqiiqdii, waayo waxa uu u eg yahay sidii qof adiga ku arkayo sidii inuu weli nool yahay”.

Walaalshiisa kale, Ihizz Diaz Beato ayaa tiri: “Waxaan go’aansanay  inaan maydkiisa sidaan daawo  u marino, waayo waxaan doonaynaa inaan soo xusuusano sida uu ahaa”.

Hoy lagu magacaabo Hoyga Aaska ee Marin “The Marin Funeral Home” ayaa bixiya in Maydka qaabkaasi loo mariyo daawo si uusan u midab doorsoomin ama uusan ur u keenin.

Milkiilaha Hoygaasi oo lagu magacaabo Damaris Marin waxay sheegtay inay si dhow ula shaqeeyeen qoyska si loogu sameeyo qaabka ay doonayaan.

Waxay intaasi ku dartay inuu Waqtigu kala duwan yahay, waayo maydka waa uu  fadhiyaa, waaba markii ugu horreysay Taariikhda Adduunka Nin mayd ah oo ay indhihiisa caadi u furan yihiin.

Qoyska maydkaasi waxay doonayaan inay arkaan maydka sida ay u arki jireen markii uu noolaa !!!

FERBABDO DE JESUS DIAZ BEATO.4 FERBABDO DE JESUS DIAZ BEATO.5 FERBABDO DE JESUS DIAZ BEATO3 FERBABDO DE JESUS DIAZ BEATO FERBABDO DE JESUS DIAZ BEATO

 

Xigasho: Agencies

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan