(LA-YAABKA & SAWIRO): Mataano isaga dheganaa Dhakada oo la kala waaxay.

Gabdho Matanaayaal  u dhashay dalka Syria ayaa lagu guuleystay qaliin khatar ah oo ay maalintii Axadda ee la soo dhaafay fuliyeen Dhakhaatiir ka hawlgasha Isbitaalka Takhasusiga ee Carrurta ee “The King Abdul Aziz Medical City (KAMC)  oo ku yaalla caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.

Labadaasi gabdhood oo lagu kala magacaabo Tuqa iyo Yakhiin ayaa waxaa loo soo duuliyey dalka Dacuudiga, kadib, markii uu Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis Alsacuud.

Labada Mataano waxay wadaageen Dhakada, balse ma wadaagin Maskax.

Hawlgalka qaliinka waxaa ka qeyb galay Koox ka kooban 22 Dhakhtar, wuxuuna qalinka qaatay muddo 14-saacadood.

Dhakhaatiirta waxaa madax u ahaa Dr. Ahmed Alferyan oo ku takhasusay  qaliinka Neerfayaasha.

Fursad 60% ayaa jirta in inta badan lagu guuleysto qaliinada noocaasi ah, waayo madaxa iyo maskaxda labada carruur wey kala qeybsanayeen.

Inta aan la qalin Mataanayaasha waxay mareen baaritaan dheer, kaasi oo bilowday bishii June 9-dii ee sannadkii 2014-kii, xilligaasi oo ahayd markii ugu horreysay ee la kala qeybiyey Halbowlayaasha Labadooda Makax.

Labo bilood kadibna waxaa la galay Heerkii Labaad oo lagu kala qeybiyey xididada iyo halbowlayaasha dhiigu maraan.

Afhayeenka Isbitaalka KAMC, waxa uu tilmaamay in Qaliinka Afaraad ahaa heerkii ugu dambeeyey oo lagu soo gebagebeeyey Qaliinka Mataanayaashaasi.

Dhakhtarka madaxa u ah Kooxda Dhakhaatiirta ee fulisay qaliinka, Dr.Ahmed Alfurrayn waxa uu sheegay in ay Mataanayaasha isaga dheganaayeen Madaxa, taasi oo tilmaamay inay tahay mid ka mid ah Qaliinada ugu adag.

Dalka Sacuudiga waxaa laga fuliyey 37 hawlgal qaliimadda Mataanayaasha isku dhegan tan iyo sannadkii 1990-kii, kuwaasi oo ka kala yimid 18 dal oo ay ka mid yihiin Sudan Syria,Yemen, Masar, Malaysia, Filibiin, Poland, Moroko iyo Ciraaq.

Kharajka Qaliimadda Mataanayaasha isku dhegan ee Sacuudiga waxaa bixisa Dowladda Sacuudiga, waana Kharaj qeyb ka ah Hawlgalladda Samafalka ee Aadminimadda.mataano10 mataano7 mataano8 mataano6 mataano 7 mataano5

MATAANO4 MATAANO3 MATAANO2 MATAANO1

mataano12

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor