(La-yaabka + Sawiro): Jilayaal Hindi ah oo la amray in madaxa laga wada jaro

Xubin ka tirsan Xisbiga Mayalka Adag ee Hinduuska ee dalka Hindiya ayaa sheegay inuu Abaalmarin Lacageed siin doono qofkii ka jarta Agaasime sameeyey Filim ka sheekeynaya Xiriir Jacayl oo u dhexeeya Xaakim Muslim ah iyo Boqorad ka soo jeeda Qowmiyadda Hinduuska.

Suraj Pal Amu, oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Bharatiya Janata Party ee ka soo jeeda Gobalka Haryaana ee Waqooyiga dalka Hindiya waxa uu Axaddii la soo dhaafay ku dhawaaqay inuu Abaal-marin Lacageed oo dhan 100-million oo Lacagta Rupees oo u dhiganta 1.5 million oo Dollar siin doono ciddii si aan kala sooc lahayn qoorta uga soo jarta Agaasimihii sameeyey Filimkaasi oo lagu magacaabo Sanjay Leela Bhansali  iyo Deepika Padukone oo ahayd Aktaradii jishay Filimkaasi.

Soo-sarayaasha Shirkadda Bollywood oo Filimkaasi la magac baxay “Padmavati” ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen Baahinta Filimkaasi oo uu qorshuhu ahaa in bisha soo socota ee December 1-da lagu daawado Tiyaatarada iyo Shineemooyinka.

Dhinaca kale, Suraj Pal Amu oo ah Ninkii bixiyey Amarka Qoor-goynta Jilayaashaasi waxa uu ka hadlay Warbaainta Gudaha dalak Hindiya wuxuuna ku baaqay Dibadbax ay Dadka ku codsanayaan inaan la dhigi Karin Filimka “Padmavati”.

Tan iyo bilowgii sannadkan, Jilayaasha Filimkaasi waxay hanjabaadyo kala kulmayeen Kooxo ku nool Gobalka RAJASTHAN ee Galbeedka dalka Hindiya.

Kooxahaasi waxay ku goodin jireen inay dab qabadsiin doonaan goobha lagu jilayo Filimka iyo Masraxyada, waxayna bishii Janaayo weerar u geysteen Agaasimihii sameeyey Filimkaasi oo lagu magacaabo, Sanjay Leela Bhansali.

Filimka “Padmavati” waxaa asaas looga dhigay  Gabay uu tiriyey Nin Suufi ah Qarnigii 16-aad oo lagu magacaabi jirey  “Padmavat,”,  kaasi oo Boqoradii RAJPUT kula taliyey inay iyadu is-disho, halkii uu ka qaban lahaayeen  Suldaanka Muslimka ee Delhi oo lagu magacaabi jirey Calaa’udiin Khilji.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media