(LA-YAABKA & SAWIRO): Haweeney gacanta ku wada haysa 80-mas

Sagibat Islammagomedova waa haweeney 60-jir ah oo ku nool Tuulladda Temirgoe ee Jamhuuriyadda Dajestaan ee K/galbeed ee dalka Raashiya waxay ammaan iyo dhaliil kala kulantay tallaabo ay ku dishay 80 mas.

Haweeneydaa waxay u adeegsatay badiil inay ku wada disho masaskaasi, xilli ay doonaysay inay beerteeda carro-gedis ku samayso, si ay ugu abuurto Bataati (Potatoes).

Dadka Deegaanka waxay ammaaneen tallaabada ay ku laysay masaska, balse Kooxaha u dooda Deegaanka Khubarada ku takhasustay Duur-joogta waxay si kulul u naqdiyeen falkaasi, waxayna sheegeen inay masaska u fiican yihiin Bii’adda.

Haweeneyda ayaa sheegtay inay dhibaato kala kulantay masas isagu saloognaa sidii shabaq oo kale, xilli ay iyada iyo wiilkeeda doonayeen inay abuuraan Bataati.

Waxay tiri:- “Markaan arkay 10 mas, waan dilnay, balse wax yar kadib, waxaan ka murugooday arrintaasi”.

Waxay intaasi ku dartay inay yaqiinsadeen inay beer falida sii wadaan markay la sii kulmeen masas kale, walow ay ahaayeen masas tabar daran.

Haweeneydaasi ayaa noqotay mid ay Dadka Deegaanka u dabaal degaan, kadib, markii uu wiilkeeda sawiradda hooyadiisa oo gacanta ku haysa masaska ay dileen.

Dadka Deegaanka waxay Saraakiisha Degmadda ugu baaqeen inay Haweeneydaasi siiyaan Abaalmarin, kadib, markii ay Tuulladda ka laysay masas badan.

Laakiinse, Khubarada Duur-joogta waxay ku eedeeyeen inay dhaawacday Nidaamka Maxaliga.

Waxay Khubarada sheegeen in dhamaan masaska la dilay ahaayeen kuwa cawska ku nool oo aan dadka dhibaato ku ahayn.

Khubarada waxay qorsheynayaan inay Tuullo-jooga kala hadlaan inaysan dilin masaska aan khatarta lahayn.

MAS1 MAS3

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor