(La-yaabka & Sawiro):- Haweeney 53-jir oo gabdho mataano dhashay.

Maalqabeenad u dhalatay dalka Switzerland oo 53 jir ah ayaa waxay maanta dhashay gabdho mataano ah.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Margarita Louis-Dreyfus waa Maalqabeen caan ah, waxayna Kaalinta 171-aad kaga jirtaa Dadka ugu taajirsan Caalamka, sida lagu daabacay Wargeyska Forbes, waxayna haysata hanti lacageed dhan 7.1 billion oo Dollars.

Haweeneydaasi oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Raashiya waxaa horey uga geeriyooday Ganacsade u dhashay Faransiiska oo la oran jirey Robert Louis-Dreyfus, kaasi oo u geeriyooday Kansarka Dhiigga (leukaemia).

Waxay gacanta ku haysa shirkad Ganacsi oo uu ka geeriyooday Ninkeeda sannadkii 2009-kii.

Margarita Louis-Dreyfus waxay ninkaasi u dhashay 3 wiil oo 2 ka mid mataano yihiin, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Eric, Kyril  iyo Maurice oo isagu ah Milkiilaha Kooxda K/cagta ee Olympique de Marseille French Ligue 1 football club.

Margarita Louis-Dreyfus oo muddo 7 sanno carmalo ahayd waxay muddooyinkii u dambeeyey la haasaawi jirtey  Nin Bangigs ka shaqeeya oo u dhashay Switzerland, kaasi oo lagu magacaabo Philipp Hildebrand.

Ninkaasi oo  52-jir ah, waxa uu Guddoomiye-ku-xigeen ka yahay Shirkad Maraykan oo lagu magacaabo BlackRock, oo u qaabilsan Maalgashiga.

Margarita Louis-Dreyfus oo wax laga weydiiyey inuu ninkaasi aabe u yahay gabdhaha ay maanta dhashay, ma xaqiijinin, mana beeninin arrintaasi.

Margarita Louis-Dreyfus waxay Dhalashadda Switzerland (Swiss nationality) heshay guurkeedii koowaad, ka hor intaysan Robert Louis-Dreyfus kula kulmin Duullimaad Diyaaradeed oo ka ambabaxay caasimadda dalka Switzerland ee Zurich, kuna sii jeeday magaalladda London sannadkii 1988-dii.

Margarita Louis-Dreyfus,2Margarita Louis-Dreyfus,4 Margarita Louis-Dreyfus,3

Margarita Louis-Dreyfus,5Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor