(LA-YAABKA & SAWIRO):-  Goolhayaha K/cagta ee Qaranka Sacuudiga oo laga xiiray tiimaha, isagoo Garoonka ku jira !!!

Goolhaye Waliid Cabdalla oo u ciyaara Naadiga K/cagta Al Shabaab ee Sacuudiga, ahna Goolhayaha Koowaad ee Xulka Qaranka ayaa lagu amray inuu Timaha iska jaro, xilli ay bilaaban lahayd Ciyaar ka tirsan Horyaalka Dalkaasi.

Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay Amar ku aadan inaysan Ciyaartoyda u jaran karin Timaha qaabka Ciyaartoyda kale ee Reer Galbeedka, iyadoo la sheegay in qaababkaasi ka hor imaaanayaan Qaabka Timo-jarista Islaamka “Anti-Islamic’ hairstyles”.

Muuqaal la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa laga arkay Ciyaartoyda iyo Saraakiisha Naadiga oo si kulul u naqdinayo Tallaabadaasi iyo in Ciyaaartoyga maqas looga jaro Timaha, isagoo food yar lahaa.

Websaytka Arriyadiyah ee ka faallooda Ciyaaraha ayaa qoray inay Dowladda Sacuudiga mamnuucday inay Ciyaartoyda timaha u jartaan qaabka ay Ciyaaryahanadda Caalamiga u jartaan Timaha, siiba noocyadda ka hor imaanayo qaabka ay Muslimiinta u jartaan.

CIYAARTOY2222

CIYAARTOY8

waliid1waliid cabdalla

 

CIYAARTOY5

ciyaartoyda jeego u jaran tahay

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor