(LA-YAABKA & SAWIRO): Fannaanad iyadoo Masraxa ka heesayso uu mas qaniinay.

Irna Bule waa Fannaanad u dhalatay dalka Indonesia, waxayna inta badan Bandhigga ay dhigto ku wehliya  oo ay jirkooda ku duubtaa nooca ka mid ah masaska khatarta ah.

Hobaladaasi oo 29 jir ah, waxay ahayd Xiddiga caan ku ah ciyaarta Boobka (A Pop Star) ayaa xalladdu ku xumaatay Bandhig Faneed ay Habeenkii Axadda ee la soo dhaafay ka dhigtay Tuulladda Karawang ee Galbeedka Gobalka Java ee dalka Indonesia, oo ah halka ay Deegaan ahaan ka soo jeedo.

Iyadoo ku luqeynayso Heesteeda Labaad ayaa waxay si kedis ah ugu istaagtay mas nooca Kobraha, oo loogu yeeri jirtey Rianti, kaasi oo ugu dambeyntii  lugta ka qaniinay.

45 daqiiqo ayey heesaysay markii uu Cobra qaniinay kadib, waxay bilowday hunqaaco ilaa ay markii dambe istaaga ka dhacdo.

Waxaa loola cararay Isbitaalka, balse waxay u geeriyootay suntan mariidka ee uu lagu yaqaano maskaasi.

Irna Bule waxaa caado u ahayd  marka ay Masraxyadda ka heesayso inay soo qaadan jirtey masas noocyo kale, balse maska Cobraha ayaa u sabab noqday inay geeriyooto.

Boqorka maska Cobra ee ugu dheer Caalamka, waxa uu dhererkiisu dhan yahay 5 meter.

Khabiir ka hawlgala Xarunta Tulala ee Daraasaaska Masaska (Tulala Snake Research Centre),  Lydia Apririasari ayaa sheegay in Fannaaniinta Masraxa kula dul-ciyaaraan masaska inay caadi ka tahay dalka Indonesia, gaar ahaan Tuullooyinka.

COBRA2

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor