(LA-YAABKA & SAWIRO): Caruuskii iyo caruusadii ugu da’da yaraa Caalamka oo aqal-galay

Xaflad ballaaran oo ay isku guursadeen Caruuska iyo Caruusadda ugu da’da yar Caalamka ayaa doraad lagu qabtay magaalladda Tabuuk ee W/galbeed dalka Sacuudiga, kuna dhow xuduudka dalka Urdun.

Caruuska oo lagu magacaabo Cali Maxamed Alqaysi ayaa ku booriyey Dhallinyarada inay ku degdegaan Guurka, kaasi oo uu ku tilmaamay inay Dhallinyarada ku badbaadi karaan, isla markaana ku heli karaan Baabka Kheyrka iyo Arsaaqadda.

Waxa Xafladiisa ka  soo qeyb galay dad aad u badan oo isugu jirtay Qaraabadiisa, Macallimiintiisa, Saaxiibadiisa ay Ardayda isla yihiin iyo dad badan oo ku nool magaalladda Tabuuk.

Maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Alhijra ee magaalladda Tabuuk, Ustaad C/raxmaan Alcudwi ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay ka soo qeyb galaan Xafladaasi iyo inay Haddiyado soo gaarsiiyeen Qoyska cusub.

Wargeyska Sabq oo Sheekadan Xiisaha badan daabacay ayaa waxa uu qoray inay Kaq-qeybgalayaasha oo ay ku jireen Suxufiyiin ku mashquuleen inay sawiro la galaan Arooska cusub ee da’da yar, kaasi oo ay u bilaabantay Toddobaadka Malabka “Honey Week”.

AROOSKA UGU DA'DA YAR 1 AROOSKA UGU DA'DA YAR AROOSKA UGU DA'DA YAR4 AROOSKA UGU DA'DA YAR2 AROOSKA UGU DA'DA YARWaxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor