(LA-YAABKA & SAWIRO): Bakhaaro lagu iibiyo kaadida Lo’da oo laga furay London.

Baaritaan ayaa daaha ka rogay inay jiraan Bakhaaro Ganacsi oo ku yaalla London oo lagu iibiyo kaadida Lo’da oo ku xiga Rootiga waa weyn.

Dareeraha Jaallaha ayaa loo yaqaana (gau mutra), kaasi oo ay dadka aaminsan Hinduga u isticmaalaan Munaasabadahooda Cibaadaysiga.

Qaar ka mid ah  Dadka Hindida ayaa rumeysan in cabitaanka Kaadida looga badbaadi karo cuddurka Kansarka.

England waxaa sharci-darro ka ah in la iibiyo Kaadida Lo’da, si uu Aadanaha u isticmaalo, balse Dukaamanka ayaa loo oggolaaday arrintaasi.

Machadka Bay’adda Caafimaadka ayaa ka digay in lagu iibiyo meelaha ay cuntada yaallaan iyo haddii Kaadida Lo’da la iibinayo marka hore la xaqiijiyo amaankeeda.

Machadka waxa uu ku taliyey inaan Kaadida Lo’da lagu iibinin halka ay cuntada yaallaan.

Mid ka mid ah shaqaalaha Dukaan ku yaalla Gureenwich ayaa sheegay inay dadka Hinduuska u yimaadaan si ay Kaadida Lo’da uga iibsadaan sababo dhinaca Diintooda, iyadoo haddii uu dhasho ilmo loo isticmaalo Kaadida Munaasabadda Diiniga ee Guriga oo loo arko mid aad u nasiib badan.

kaadia lo'da 00 kaadida lo'da 2 kaadida lo'da1

COW IN INDIA

Xigasho: Mirror and BBC 

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor