(LA-YAABKA & SAWIR): Ninka ugu da’da weyn Caalamka oo jira 112 sanno iyo 6 bilood !!!

Israel Kristal ayaa la sheegay inuu noqday qofka ugu da’da weyn Calaamka oo Dukumenti leh, kaasi oo ka badbaaday Xasuuqii Auschwitz ee uu Naasigii Adolf Hitler ku dhaqaaqay, muddadii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Sida lagu xaqiijiyey Buugaa lagu qoro Mucjisooyinka Calaamka ee “Guinness World Records” ayaa lagu sheegay inuu Israel Kristal jiro 112-sanno iyo 179 maalmood.

Waxaa Shahaadada Aqoonsiga inuu yahay Ninka ugu da’da weyn Caalamka ayaa waxaa bishan March 11-dii lagu guddoonsiiyey gurigiisa oo ku yaalla magaalladda Haifa ee dalka Israel.

Waxa uu Horyaalka Waayelnimadda kaga guuleystay Yasutaro Koide oo u dhashay dalka Japan, kaasi oo 112-jir ahaa, balse geeriyooday bilowgii bishan.

Israel Kristal waxa uu ku dhashay magaalladda Zarnow ee dalka Poland taariikhdu markay ahayd bishii September 15-dii ee sannadkii 1903-dii oo ku beegan 11-sanno ka hor markii uu bilowday Dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Waxa uu ka badbaaday Xasuuqii Hitler bishii May 1945-kii, isagoo culayskiisu dhamaa 37 Kiilogaram oo keliya.

Xaaskiisa iyo Wiilkiisa waxay ku geeriyoodeen muddadii uu socday Xasuuqii Holocaust.

Waxa uu sannadkii 1950-kii u soo tahriibay magaalladda Haifaee dalka Israel, isagoo leh Xaaskiisa Labaad iyo Wiil ay u dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, Odaygan ma aha qofka keliya ee ugu da’da weyn Caalamka, waxaa jirta Haweeney u dhalatay Maraykanka oo lagu magacaabo Susannah Mushatt Jones, taasi oo 115 jir ah.Waxayna ku nooshashay Brooklyn, New York.

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor