(La-yaabka & Sawir):- Maroodi ku durduriyey nin ilaa uu ka geeriyoodo.

Labo Maroodi ayaa waxay maanta iyagoo habowsan soo galeen Tuulladda Burdwan ee Bariga dalka India, halkaasi oo ay ka geysteen dhibaatooyin badan.

Mid ka mid ah Maroodiyaasha ayaa waxa uu si xun u dilay Nin Beeraley ah oo lagu magacaabi jirey Anil Bagdi oo 64-jir ah.

Ninkaasi ayaa ahaa Beerlaey, wuxuuna si kedis ah ula kulmeen Maroodi, wuxuuna Maroodiga ku durduriyey ninkaasi..

Dadka Tuullo-joogga wey ku guuleysan waayeen inay Maroodiyayaasha iska caabiyaan ama ay badbaadiyaan Ninka sida xun ay u dileen.

Maroodiyayaasha waxay kaloo cagta mariyeen dalagii beeraha ee Tuulladda.

Saraakiisha Kaymaha oo s degdeg u yimid Tuulladda waxay iyagana ku fashilmeen inay Maroodiyayaasha wax ka qabtaan, si ay u noqdaan Xayawaan deggan.

Weerarka ay Maroodiyayaasha ka geystaan Bariga dalka India ayaa la sheegay inay sii kordheen dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, mid ka mid ah 5 Maroodi oo horey u dilay 4 qof ayaa lagu dilay Deegaanka Saldhigga Boliska Manteshwar.

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor