LA YAABKA: Qaliin lagu sameeyey Wiil yar oo ay maskaxdiisa ku dhex korayso sankiisa

WIILKA SANKA 01Ollie Trezise waa wiil yar oo bishii February ee sannadkii hore ku dhashay Isbitaalka Jaamacadda Cardif Hospital ee dalka Britain.

Hooyadda dhashay Wiilkaasi oo lagu magacaabo Amy Poole waxay sheegtay inay ka naxday Muuqaalka Wiilka ay dhashay, balse ay Dareen Hooyonimo muujisay.

Wiilka ayaa la sheegay inay maskaxdiisa ku dhex korayso Sanka, isla markaana ay Dhakhaatiirtu sheegeen inuu khatar kala kulmi doono Neefsiga iyo Cuddurka ku dhacda Maskax-garaadka ee Meningitis.

Hooyadaasi markii ay lahayd Uurkiisa,  ayaa waxay martay Scan, waxayna Dhakhaatiirta u sheegeen inuu ilmuhgu wax aan caadi ah oo sida tiyuub oo kale ku leeyahay sanka.

Maamadda oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay inuu Wiilkeeda u muuqaal eg yahay Sawirka Filimka Carruurta daawato ee The Disney character, Pinocchio

The Disney character, Pinocchio 2 Hooyadda waxaa lagu cadaadiyey in qaliin lagu sameeyo, si looga soo saaro waxa Kiishka u eg ee ay dareeraha Maskaxda ka soo qubanayso Sankiisa.

The Disney character, PinocchioThe Disney character, Pinocchio1

Waxay Dhakhaatiirta ku guuleysteen inay wiilka yar dib ugu habeyn qaliin ah ugu sameeyaan Sankiisa, sida aad ka arki kartaan Sawiradda hoos lagu soo bandhigay.

Si kastaba ha ahaatee, Wiilka Ollie Trezise  ee loogu magac daray the The Disney Pinocchio waxa uu haatan u neefsadaa si caadi ah, waxayna Hooyadiisa ugu yeertaa The Truth Pinnochio.

WIILKA SANKA OK U AH wiilka sanka iyo hooyadiisa WIILKA SANKA 4 WIILKA SANKA 5 WIILKA SANKA 0001 WIILKA SANKA 3 WIILKA SANKA 2 WIILKA SANKA 1

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor