(LA-YAABKA IYO SAWIRO): Ilmo da’ yar, misna Weji iyo maqaar Waayeel leh.

Marka ugu horreyso ee aad eegto Wejiyadda Labada Carruur ee uu Sawirkooda idiin muuqdo waa hubaal inaad u qaadan kartaa inay yihiin dad da’ ah, oo ay  jirkooda miintu wada kaduudisay.

Haddii uu malahaasi sidaas ku tusiyey ogow labadan carruur waa ilmo aan da’da 10-jirk gaarin.

Anajali Kumari waa gabadh 7 jir, iyadoo Walaalkeeda ka yar ee Keshav Kumar da’diisu tahay 18 bilood oo keliya.

Waxay ku nool yihiin Degmadda Ranji ee Gobalka Jharkhand ee Bariga dalka Hindiya.

Carruurtan yar waxaa ku dhacay Cuddur lagu magacaabo Cutis Laxa, iyadoo Dhakhaatiirta dalka Hindiya sheegeen inaan waxba laga qaban karin daaweynta cuddurkaasi dhalan-roga Maqaarka qofka uu ku dhaco.

Labada carruur waxay la nool yihiin Waalidkooda iyo gabar ay walaalo yihiin oo 11-jir ah, kuwaasi oo ka badbaaday cuddurka Weji-duqnimadda.

Aabahooda oo lagu magacaabo Shatrughan Rajak waa  40-jir mihnadiisu tahay Dhar-dhaqe ( Labandayiste).

Carruurta waxay cuqdad ka qaadeen qaabka ay Bulshadda ula dhaqmaan, waxay dhibsadaan Erayadaha loogu yeero.

Anajali Kumari waxay u sheegtay Wargeyska Mail Online inay og tahay inay leedahay weji ka duwan wejiga caadi, jir ka duwan jirka kale iyo waxyaabo kale.

Gabadh oo Ardayad ah waxay sheegtay inay gabdhaha ay isku Iskuulka yihiin ugu yeeraan magacyo ay ka mid yihiin

“Daadi Amma” oo la midno ah Ayeeyo, Budhiya oo la micno ah Marwada Duqda ah, Bandariya oo la micno ah Daanyeer iyo Hanuman oo la micno ah Amiirka Daayeerka.

Waalidkooda waxay sheegeen inay ka rajo dhigeen inay Carruurtooda daaweeyaan, waxayna Dhakhaatiirta Hindiya u sheegeen in rajada keliya ee carruurtaasi tahay in Daaweyn loogu qaado dalalka ku hormarsan dhinaca Caafimaadka iyo Daaweynta cudduuradda Maqaarka.

Aabaha dhalay carruurta oo mushaar ahaan bishiiba u hela 4,500 Rupees una dhiganta 45 Giniga UK ayaa sheegay inay isaga iyo xaaskiisa ku fekeraan sidii ay carruutooda ugu heli lahaayeen Daawo.

Waxa uu sheegay inay Bushadda Deegaanka carruurta ugu yeeraan Erayo ay ka Niyad-jabsan yihiin.

ILMO1 ILMO2 ILMO3

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor