(LA-YAABKA IYO SAWIRO): Haramacad horor ah oo dad ku dhawaacay magaallo ku taallo dalka Hindiya.

Haramacad weyn oo da’diisa lagu qiyaasay 8 jir ayaa waxa uu weerar ku qaaday dad ku sugnaa Dugsi lagu magacaabo “The Vibgyor International school” oo ku yaalla Degaanka Kundalahalli ee Degmadda Bangalore ee dalka Hindiya.

Shabakadda Wararka ee The News Minute ayaa qortay inuu Haramacadka 10-saacadood ku dhex sugnaa Dugsiga, isagoo dhaawacyo ciddi iyo qaniinyo leh u geystay dhowr qof oo ay ku jiraan Saynis-yahan iyo Shaqaale dhinaca Kaymaha.

Kameerooyinka Qarsoon ee ku rakiban Dugsiga (CCTV Footage) ayaana laga daawaday iyadoo uu Haramacadka hardan adag la galay Khabiir dhinaca Duur-joogta, oo lagu magacaabo Sanjay Gubbi.

Sida aad ka dheehan karaan Sawiradda Hoose, waxaa dhex maray Hardan, iyadoo uu Sanjab Gubbi isku difaacayey Birta Kamerooyinka.

Waxa uu dagaal daran ku dhex maray meel ku dhow Barkada Dabaasha ee Iskuulka (The school’s swimming pool), iyadoo Khabiirka dhowr jeer laga qaniinay, lagana xagtay gacanta iyo garabka.

Khabiirka waxa uu markii hore isku dayey inuu ka baxsado Haramacaadka Xeeraanka ahaa, balse Haramacadka ayaa ka soo jiiday Derbi uu kori lahaa khabiirka.

Sidoo kale, waxaa loo malaynayaa inuu Haramacad dhaawacay Sawir-qaade doonayey inuu duubto Muuqaalka Dhacdada Hardanka ee Khabiirka iyo Haramacadka.

Dadka ku nool magaalladda Banglore ayaa ka argagaxsan Haramacadka u soo hilib doontay Deegaankooda, kaasi oo khatar ku ah dadka iyo duunyadda magaallo-joogga ah.

DAAWO SAWIRADA WAXA KALA QABSADAY

HARAMACAD 3 HARAMACAD 9 HARAMACAD1 HARAMACAD4 HARAMACAD2

HARAMACAD8 HARAMACAD7 HARAMACAD6 HARAMACAD5

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan