(LA-YAABKA IYO SAWIRO): Haramacad figta sare ee Geedka la koray Baciid si ay u feentaan.

Labada Haramacad (Lammaanayaal ah) ayaa waxay Xayawaanaadka kale kala fogaadeen si aysan ugu soo xoomin Baciid ay soo qabteen, haddii ay ku feentaan dhulka.

Waxay go’aansadeen inay Baciidka saartaan Figta Sare ee Geedka, si ay qeyb u cunaan, barka kalena kayd uga dhigtaan.

Xitaa qaabka ay Baciidka uga soo lalmanayo Geedka, waxaad moodaa inay si xeelladaysan ugu dabreen laamaha Geedka, si uusan Baciidka ugu hoobanin dhulka.

Malaha Haramacadka, waxay ka baqdeen inay Habar-dugaagta gaajaysan ku ciriiriyaan ama la qeybsadaan Hilibka Baciidka.

Sawir-qaade u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ingo Gerlach ayaa sawiraddan soo qaaday mar uu dhawaan booqday Dhulka lagu xannaaneeyo Duur-joogta ee Massai Mara ee dalka Kenya.

Sawir-qaadaha waxa uu sheegay inay muddo 6 saacadood ku qaadatay si uu u dhamaystiro qaadista Sawiraddan quruxda badan.

HMC 1 HMC 4 HMC5 HMC3 HMC2

FG: Maadaama aanan si fiican u aqoonin Magac-bixinta Duur-joogta, oo aanan ku soo korin Baadiyo iyo meel ay joogaan Xayawaanka Muftariska ah ayaa waxay qaar ka mid ah Asxaabtayda oo Aqoon u leh Nolosha Duur-joogta ii sheegeen inuusan Baciid ahayn ee uu Goodir yahay.

Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor