AFRICOM oo si rasmi u xaqiijiyey inay Ciiddamo cusub u soo direen Somalia.

Afhayeenadda Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM, Samantha Reho ayaa u sheegtay Wakaalladda Wararka ee AFP iny Maraykanka u daad-gureeyeen Somalia Daraasiin Askr, kuwaasi oo taageero siin doona Ciiddnka Qranka, isla markaana fulin doonan Hawlgalo dhinaca Ammaanka oo aan la shaacinin.

Afhayeenadda oo iyadoo ku sugan Xarunta Dhexe ee Taliska AFRICOM ku leeyihiin dalka Maraykanka ayey sheegtay inay Ciiddanka loo diray Somalia ka socdaan Qeybta 101-aad ee Ciiddanka Cirka, kuwaasi oo ah Unug ciiddanka Dhulka oo loo tababarayo inay Hawada wax ka soo toogtaan.

Ciiddanka Qeybta 101-aad ee Ciiddamadda Cirka ee Maraykanka waxaa horey loo adeegsaday inay hoggaamiyaan Ololaha Isbhaysiga Maraykanka ee Dagaalkii Iraq iyo Afganistan.

Afhyeenadda Waxay intaasi ku dartay inay tababar iyo qalab siin doonan Ciiddanka DFS  si ay ula dagaalamaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u dhigtay, waxayna xaqiijisay Joogitaanka Ciiddankaasi ee Somalia oo y horey Idaacadda VOA-da u shaacisay.

AfhayeenAdda waxay ka gaabsatay inay sheegto Tiradda Ciiddnkaasi loo soo diray Somalia bilowgii bishan, inkastoo ay ilo muhiim sheegayaan inay Ciiddankaasi dheeraadka yihiin ku-dhawaad 40-Askari.

Dhinaca kale, Taliyaha Tlisk AFRICOM, General Thomas Waldhauser ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ciiddamo Maryknka lo osoo dabulo gudh Somalia.

Waa markii ugu horreysay ee ay Dowladda Maraykanka ay ciiddamo u soo diraan Somalia tan iyo sannadkii 1993-kii, xilligaasi oo Askarta Maraykanka looga dilay 18 Askari, lagana burburiyey Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa Black Hawk.

 

Replying to

The U.S. presence is at the invitation and consent of the Federal Gov. of Somalia and we are committed to support and SNA.

Not special ops. The objective of this train and equip mission is to improve the logistical capacity of the Somali National Army.

Xigasho: AFP

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media