La-haystayaal Malaysia oo afduub loogu haystay Filibiin oo  la sii daayey.

Ciiddanka dalka Filibiin ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 3-qof oo u dhashay Malaysia, kuwaasi oo 8-bilood ka hor laga soo afduubtay Markab marayey xeebaha dalkaasi.

Ciiddanka waxay dagaal la galeen Maleeshiyadda Kooxda Abu Sayaaf ee Jesiiradda Jolo ee Koonfurta dalkaasi, waxayna xoog ku soo furteen oo La-haystayaasha la soo badbaadiyey.

Kooxda Abu Sayaaf waxay inta badan La-haystayaasha ka qaataan Lacago madax-furasho ah, waxayna haatan afduub u haystaan Muwaadiniin u kala dhashay dalalka Holland, Indonesia, Filibiin iyo Japan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media