Kuwayt oo ballanqaaday inay Somalia ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab.

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Koowaad, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwayt, Sheekh Sabaax Khaalid Alaxmed Alsabaax ayaa ballanqaadkaasi kaga dhawaaqay Kulan uu maanta la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka Somalia, C/salaam Hadliye Omar oo haatan booqasho ku jooga dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Kuweyt ee KUNA oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay inuu Kulankaasi ka dhacay Qasriga Alsayf  oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Kuweyt City, waxayna labada dhinac ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Xaaladaha Gobalka iyo guud ahaan Caalamka.

Sheekh Sabaax Khaalid Alaxmed Alsabaax waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kuwayt ka go’an tahay inay Dowladda Somalia ka taageeraan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo sidii loo sugi lahaa Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federalka Somalia, C/salaam Hadliye Omar waxa uu ka mahadceliyey Taageeradda ay Dowladda Kuwayt la garab tagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweeyey Shirweynaha Caalamiga ee lagu taageerayo Nidaamka Waxbarashadda Somalia, taasi oo ay Dowladda Kuwayt marti-gelinaysaa bartamaha sannadkan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor