Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal Isaga kala gooshi kara Qaaradaha

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday waxa ay dalalka deriska ah ku sheegeen in uu u muuqday gantaal isaga kala gooshi kara qaaradaha (ICBM), maalin kaddib markii ay ridday gantaal yar oo jawaab milatari u ah Mareykanka.

Wasiirka gaashaandhigga Japan Yasukazu Hamada ayaa sheegay in gantaalkaan uu ku safri karo masaafo dhan 15,000 km, taasoo siinaysa awoodda uu ku gaari karo dhulweynaha Mareykanka.

Gantaalkan tijaabada ah ayaa ku socday masaafo dhan 1,000 km , wuxuuna ku dhacay meel qiyaastii 200 km dhanka galbeed kaga beegan jasiiradda Oshima-Oshima ee waqooyiga gobolka Hokkaido, sida ay sheegeen saraakiisha Japan.

Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sidoo kale ku tilmaantay gantaalka mid macquul ah ICBM, kaas oo loogu talagalay in lagu qaado madax nukliyeer ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor