Kummanaan dadweyne oo dhigayey Dibadbax oo lagu riday sunta dadka ka ilmaysiisa

Ciidamada ammaanka Suudan ayaa sunta dadka ka ilmaysiisa ku riday dibadbaxayaasha dimuquraadiyadda taageera oo isugu soo baxay caasimadda dalkaas ee Khartoum.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda militariga ahi ay xaddiday ku hadalka teleefoonnada iyo adeegga internet-ka iyadoo ay jiraan baaqyo ku saabsan isu soo baxyo ballaaran oo looga soo horjeedo afgambigii ciidamada.

Dhowr buundo oo ku yaal Khartoum ayaa sidoo kale la xiray iyadoo dibadbaxayaasha looga digay in wax rabsho ah ay sameeyaan.

Magaalooyin kale oo dalkaas ku yaal oo ay ka mid tahay Port Sudan, ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay dibadbaxyo.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii boqolaal kun oo mudaharaadayaal ah ay socod ku mareen Khartoum iyagoo dalbanaya in xukunka dib loogu soo celiyo dadka shacabka ah.

Dad kor u dhaafaya 100 qof ayaa toddobaadkii hore ku dhaawacmay iskudhac dhexmaray booliiska iyo dibadbaxayaasha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor