Kumanaan Tahriibayaal doonyo ku safrayey oo lagu badbaadiyey Xeebaha Libya iyo Talyaaniga.

Ciiddanka Badda ee dalalka Libya iyo Talyaaniga waxay sheegeen inay soo badbaadiyeen Tahriibayaal ku safrayey doonyo alwaax iyo kuwa la buufiyey, oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.

Kolonel Ashraf Albadri oo ka tirsan Ilaaladda Xeebaha Libya ayaa sheegay inay shalay badbaadiyeen 155 Tahriibayaal Afrikaan ah, kuwaasi oo ay ka ciladowday doonidii ay ku safrayeen.

Waxa uu tilmaamay inay u gurmadeen Tahriibayaashaasi oo ku xayirmay dooni taagnayd meel ka baxsan Xeebta Guud Rumaan, kadib, markii ay Kalluumeysatada Deegaanka ku soo wargeliyeen.

Kolonel Ashraf Albadri waxa uu intaasi ku daray inay heleen Doonida, soona badbaadiyeen Tahriibayaasha oo haatan ku sugan Dekedda caasimadda Libya ee Tripoli.

Shaqaale ka tirsan Hay’adda UNHCR ayaa la sheegay inay cunto iyo dhar u geeyeen Tahriibayaashaasi, ka hor inta aan loo gudbinin Xarumaha dadka lagu hayo ee ku yaalla Tripoli.

Dhinaca kale, Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga waxay shalay soo badbaadiyeen 1,850 Tahriibayaal oo doonyo kaga soo socdaalay Xeebaha Libya.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda Talyaaniga waxay sheegeen inay qaadeen 8 Hawlgal si ay u soo badbaadiyaan Tahriibayaashaasi, kuwaasi oo si badqab ah loo soo gaarsiiyey Gacan-biyoodka Sishiliya ee Koonfurta Talyaaniga.

Sannadkan oo keliya, 17,500 Tahriibayaal ayaa gaaray Xeebaha Talyaaniga, kuwaasi oo badankooda ka soo shiraacday Xeebaha Libya, oo ah Marinka ugu weyn ee ay Kooxaha Mukhalasiinta ka soo dhoofiyaan Tahriibayaasha u hamuun qaba inay mar uun gaaraan Xeebaha Talyaaniga, si ay uga sii gudbaan dalalka Sweden, Germany, Norway, Denmark iyo Finland.

libya 1

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor