Kumanaan Qaxooti Somali ku sugnaa Xerooyinka Kenya oo dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay inay si iskooda ah u soo laabteen Qaxooti Somali oo tiradoodu dhan tahay 5,853 qof, kuwaasi oo ka mid ah Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeradda Dhadhaab ee W/bari Kenya.

unhcr 2Warbixinta Toddobaadlaha ee Hay’adda UNHCR ayaa lagu xusay inay 5,853 qof oo Qaxooti ah ku soo laabteen Goballadda Koonfurta Somalia tan iyo bishan December 8-dii, xilligaasi oo ay UNHCR bilowday inay taageeraan Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan ee go’aansaday inay ku soo laabtaan dalkodoa hooyo.

unhcr 1Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in ay UNHCR weli wado inay Qaxootiga Duullimaadyo ku keenaan magaalladda Muqdisho, waxayna Qaxootiga intooda badan ku soo laabanayaan magaallooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Koonfurta Somalia.

Heshiiska lagu soo celinayo Qaxootiga Soomaalida waxaa horey u wada saxiixday Dowladaha Somalia, Kenya iyo Hay’adda UNHCR, iyadoo tirade guud ee Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Xeryaha W/bari ee Kenya gaarayaan in ka badan 500,000 oo qof.

Dhinaca kale, Xerada Dhadhaab waxay hoy u tahay 350,000 oo qof, waana Xeradda Qaxootiga ee ugu weyn Caalamka.

@Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor