Kumanaan Qaxooti Somali ku sugan Xeryaha Kenya oo dib loo soo celinayo.

Madaxa Hay’adda Qaxootiga ee dalka Kenya, Haron Komen ayaa sheegay inay qabanqaabo ugu jiraan sidii sannadkan 50,000 oo Qaxooti Somali ah dib loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo.

haron komen 2Haroon Komen waxa uu hadalkaasi ka jeediyey Shir Hawleed Taliyayaasha Boliska, Waaxda Socdaalka Kenya ku yeesheen Hotelka Silver Springs Hotel ee magaalladda Nairobi.

Waxa kale oo uu tilmaamay in 7,025 Qaxooti  Somali ah dib ugu laabteen dalkooda hooyo maalintii Isniintii ee la soo dhaafay.

Waxa uu intaasi ku daray  inaysan dib-u-celinta saamayn doonin Weerarkii Askarta Kenya ee Jimcihii la soo dhaafay lagu weeraray Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Shirkaasi oo socday muddo labo maalmood waxay Saraakiishaasi wadaageen Arrimaha Socdaalka, Ammaanka, Qaxootiga, Tahriibka iyo Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor