Kumanaan Qaxooti Somali ku noolaa Xeryaha Kenya oo dib ugu soo laabtay dalkooda hooyo.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegtay inay dib u bilaabeen inay Qaxootiga Soomaalida ku soo celiyaan dalkooda hooyo, iyagoo la soo marsiinayo dhinaca dhulka ee xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Warbixinta Toddobaadlaha ee ay  Hay’adda UNHCR ka soo saartay magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in kolonyo gaadiid ah oo ay la socdaan 218 Qaxooti Somalia ay gaareen magaallooyinka Baydhabo iyo Luuq ee K/galbeed ee Somalia.

Waana safar dhuleedkii ugu horreeyey ee ay Qaxootiga ku soo baxaan, kadib, markii la hakiyey dib-u-celinta bishii October ee sannadkii hore sababo la xiriiray Roobab da’ayey Xilligaasi.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Hay’addu 8 Kolonyo gaadiid ah u adeegsatay sidii  1,902 qof oo Qaxooti Somali ah loogu celin lahaa Somalia, iyadoo la sii marsiiyey Degmadda Dhoobley.

Dhinaca kale, Qaxootiga soo laabanayo ayaa la sheegay in laga taageeray Kharajka gaadiidka ee ay ku tegi karaan halka ay asal ahaan ka soo qaxeen, kuwaasi oo badankooda ka soo kala jeeda magallooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Waxaa kaloo Qaxootigaasi la siiyey Lacag Fara-qabsi ah, maro-kaneeco, Adeegyadda Guriga, Nalalka Solarka,  Shooladaha  lagu karsado cuntada, si ay ugu adeegsadaan Noloshooda cusub ee gudaha Somalia.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor