Kumanaan Qaxooti oo ay Somali ku jiraan oo Dib-u-dejin laga siinayo Maraykanka marka uu Donald Trump xilka la wareego.

Ra’isul-wasaaraha dalka Australia, Malkolom Turunbul ayaa sheegay inay Maraykanka oggolaadeen inay Dib-u-dejin siiyaan tiro ka mid ah Kumnanka Qaxootiga lagu hayo Jesiirdaha Manus iyo Nauru ee dlka Papua New Guinea.

Inta badan Qaxootigaasi ayaa ah dad Muslimiin oo ka soo qaxay colaadaha ka socda dalalka Somali, Iraq, Syria, Afganistan iyo Pakistan.

Australian Prime Minister Malcolm Turnbull addresses the media during a news conference in Woolloomooloo, Sydney, November 14, 2016. AAP/Sam Mooy/via REUTERS

trump
Ra’isul-wasaaraha dalka Australia, Malkolom Turunbul waxa uu tilmaamay in 1,200 Qaxooti ah Dib-u-dejin laga siin doono Maraykanka, marka uu Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump la warego Madaxtinimadda dalkaasi bisha Janaayo 20-da ee sannadka soo socda.
Heshiiska Dib-u-dejinta Qaxootigaasi ee ay Dowladda Australia la galeen Maraykanka ayaa yimid, kadib, markii ay Australiua oggolaatay bishii September inay qaabilaan Dad ka kala yimid dalalka Guatemala, Honduras iyo El Salvador.

nauru
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor