Kumanaan Itoobiyaan ah oo ku xaniban Dalka Sacuudiga iyo Dowlada Itoobiya oo ka hadashay

Kumanaan qof oo ah Muhaajiriin u dhashay dalka Itoobiya ayaa ku xaniban Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib markii uu dhamaaday cafis ay Dowlada Sacuudiga u fidisay dadka Muhaajiriinta ah ee sida sharci darada u joogay dalkaasi.

Dowlada Sacuudiga ayaa cafis sadex bilood ah u fidisay dadka muhaajiriinta ah ee sida sharci darada ku joogay dalka Sacuudiga, waxaana kumanaan qof oo u dhashay dalka Itoobiya ka dhamaaday waqtigii cafiska kahor inta aysan dalka ka bixin.

Wasaarada Arimaha guddaha Sacuudiga ayaa shaaca ka qaaday bishii March ee sanadkan in cafis loo fidinayo dadka sharci darada ku jooga Sacuudiga , waxa ayna dowlada balan qaaday in wax dambi ah aan loo raaci doonin cidii ka faa’iideesata cafiska dalkana ka baxda mudo sadex bilood gudahood.

Wasiirka Warfaafina dalka Itoobiya Nageri Lencho ayaa ka hadlay kumanaan qof oo Itoobiyaan ah oo ku xaniban dalka Sacuudiga, waxa uuna sheegay Wasiirka in dowlada Sacuudiga ka codsadeen in ay u kordhiso waqtiga cafiska dadka Itoobiyaanka ah ee dalkeeda ku sugan.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowlada Sacuudiga ka filayaan in ay aqbasho codsigooda ayna fursad dheeraad ah siiso dadka Itoobiyaanka ah ee ku xaniban dalka Sacuudiga si ay mar kale u helaan fursad ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Dowlada Itoobiya ayaa sheegtay in dad gaaraya 45-kun oo qof oo Itoobiyaan ah oo kasoo tagay dalka Sacuudiga dib ugu soo laabteen dalkooda Itoobiya, waxa ayna dowladu xustay in ay jiraan Kumanaan kun oo kale oo wali ku xaniban dalkaasi kuwaa oo sifo sharci dara ah ku jooga Sacudiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor