Kumanaan Haween Somali oo la sheegay inay Kansarka Naasaha u geeriyoodaan sanandkiiba

Iyadoo oo Calaamka oo idil, bishan October loo aqoonsaday in sannad kasta la isaga wacyi-geliyo Kansarka Naasaha ayaa waxaa la sheegay inuu dalka Somalia khatar ku hayo Kansarka Naasaha.

Tiro-koob ay Hay’adda Caafimaadka ee WHO soo saartay nishii May ee sannadkii hore, waxaa lagu xusay inay  3,200 haween Soomaali ay sannadkiiba u geeriyooday Kansarkaasi.

Drs. Asha Omar Ahmed oo ah Dhakhtarad ka hawlgasha Isbitaalladda Muqdisho ayaa sheegtay inay aad u adag tahay in la muujiyo dhibaatadda cuddurkaasi ku hayo Qoysaska Soomaaliyeed, isla markaana ay inta badan marnaba ogaan Karin cuddurka dila xubin ka tirsan Qoyska.

Cuddurka Kansarka Naasaha ayaa lagu tilmaamay Dilaaga Aamusan ee laaya haween badan oo ku nool Geeska Afrika.

Xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh oo ka tirsan Barlamaanka Federalka Somalia ayaa rumeysan in Kobaca Nidaamka Daryeelka Caafimaadka ee Somalia uu wax ka qaban doono dhibaatooyinka cuddurka Kansarka Naasaha (Breast Cancer).

Dhinaca kale, Xamdi Abdullahi oo dhowr sanno ka hor Bukaan u ahayd cuddurka Kansarka Naasaha ayaa sheegtay inay xilli kasta filan jirtey inay u geeriyooto cuddurkaasi.

Xamdi Cabdillahi waxay sheegtay in ay heshay daawooyin aan laga heli Karin Somalia, isla markaana ay ku ladnaatay.

Xamdi Abdullahi oo deegaan ahaan ka soo jeeda Goballadda W/galbeed Somalia,waxay haatan Sarkaal dhinaca Borotokoolka ka tahay Xafiiska  Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cumar Carte Qaalib.