Kumanaan Dhallinyarro Kenyan la la’aa oo la sheegay inay ku biireen Alshabaab.

Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in inta badan Dhallinyaradaasi oo Arday ahaa la waayey, kadib, markii lagu tashkiiliyey inay ka mid noqdaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, waxa uu ka soo xigtay Hay’addaha Ammaanka inay heleen Warar dhinaca Sirdoonka oo xaqiijinayo in aysan Alshabaab ka qoranin dhallinyarro Deegaannadda ay Muslimiinta ku badan yihiin sida Mandera, Garissa, Wajer, Mombasa, Isiolo iyo Marasabit, balse ay haatan bilaabeen inay dad ka qortaan Deegaano kale.

Meelaha cusub ee la tilmaamay ayaa waxaa ka mid ah magaallooyinka Eldoret, Nakuru, Kisumu, Busia, Kakamega iyo magaallooyin kale oo waa weyn.

Boliska Kenya waxay horey u shaaceen Rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyaan Dhallinyarada muuqooda la waayo, lana sheego inay ku biiraan Alshabaab.

Boliska waxay dhowr jeer carabaabin rag lagu kala magacaabo Abdifatah Abuubakar Ahmed iyo Ahmed Iman Ali.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star waxa uu qoray in Wararka dhinaca Sirdoonka sheegayaan in dadka Alshabaab u qora Dhallinyaradda ku sugan gudaha Kenya ay isticmaalaan Xayeysin culus ee dhinaca Online-ka iyo Warbaahinta Caadiga, iyagoo Dhallinyarradda u sameeya Ballanqaadyo la xiriira in laga bixin karo kharajka Jamaacado ku yaalla Somalia iyo dalalka Bariga Dhexe, waa sida uu Wargeysku qoray.

© Radio Dalsan                     

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor