Kumanaaan Qaxooti Somali ku noolaa Xerada Dhadhaab oo dib ugu soo laabtay dalkooda Hooyo.

Waaxda Arrimaha Qaxootiga ee dalka Kenya (The Department of Refugee Affairs (DRA) ayaa sheegtay inay 10,000 oo Qaxooti Somali ah ka taageereen si ay ugu laabtaan Somalia halka 50,000 kalena ay iskooda u safreen, iyadoo aan wax taageero lag siinin safarka dhulka ee ay ugu laabteen Somalia.

Kenya waxay bishii hore dib u bilaabeen Soo-celinta Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansaday inay ku soo laabtaan Somalia, iyadoo Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) u qorsheysan tahay inay 50,000 oo Qaxooti ah dib loogu celiyo Somalia.

Madaxa Hay’adda UNHCR uga wakiilka ah Kenya, Raouf Mazou waxa uu tilmaamay inay taageero siin doonaan Qaxootiga ay suurtogal tahay inay dib ugu laabtaan Somalia.

Mashruuca Dib-u-celinta Somalia ayaa la dardar geliyey tan iyo wixii ka dambeeyey weerarkii ay Alshabaab sannadkii hore ka geysteen Jamaacadda Garissa, iyadoo Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto sheegay inay UNHCR khasab ku tahay inay albaabadda u laabaan Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab oo hoy u ah ku-dhawaad 350,000 oo qof.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor