kulankii ugu horeeyey ay yeeshaan Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka oo Muqdisho ka socda

Kulankani oo ah kii ugu horreeyey oo ay isugu yimaadaan gudiyada joogatda ah ee labada Gole ee baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay a Muqdisho.

Waxaa siwada jir ah u shir guddoominayay labada guddoomiye ee Golayaashasi Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayadoo loogu hadlayay sidii loo dardargelin lahaa wadshaqeynta guddiyadaasi.

Guddoomiyaha Golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegey in muhiim ay tahay wadashaqeynta labada guddi.

Muddane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa xusay in looga baahan yahay labada guddi ee joogtada ah in ay diyaariyaan qorshaha howleedka ay ku wadashaqeynayaan si loo dardargeliyo howlaha horyaala baarlamaanka Soomaaliya.

Xigasho Sonna