Kulanka Sannadlaha ee AU-da oo ka firmay magaalladda Pritoria

Kulankaasi oo socon doona muddo labo maalmood ayaa la filayaa inay Madaxda go’aan kama dambeys ah guud ahaan xiisadaha ka taagan Qaaradda Afrika.

Dhinaca kale, Caasimadda dalka Koonfurta Afrika ee Pritoria waxaa shalay ka furmay Shirweynaha sannadlaha ee Ururka Midowga Afrika (AU) , kaasi oo looga arrinsanayo xoojinta awoodda shaqo iyo horumarinta haweenka Afrika.

Madaxa Golaha Wakiilladda Joogtadda ee Ururka Midowga Afrika, Albert Ranganai Chimbindi ayaa shir-guddoominayo Kulankaasi oo muddo labo maalmood socon doona.

Waxa uu sheegay in la joogo xilligii ay Dolwadaha Afrika aqoonsan lahaayeen sinnaanta ragga iyo haweenka, si natiijo  heer sare ah looga gaaro Dhaqaalaha iyo Horumarka.

“Waxaa waajib nagu ah inay haweenku yihiin in ka badan kala bar tiradda guud ee dadka Afrikaanka, isla markaana ay 75% yihiin kuwa ka shaqeeya wax-soo-saarka Beeraha” ayu uyiri Mas’uulkaasi.

Albert Ranganai Chimbindi oo ah Danjiraha dalka Zimbabwe uga wakiilka ah dalka Ethiopia, waxa uu sheegay inay jiraan dalal badan oo Afrikaan ah oo horey u hirgeliyey nidaamka sinnaanta ragga iyo haweenka.

Shirweynaha waxaa sannadkan Hal-ku-dheg looga dhigay “Sannadka Haweenka Afrika ee xoojinta iyo horumarinta ee Ajendaha Qaaradda Afrika ee sannadka 2063-ka.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor