Kulanka Baarlamaanka ee Berito oo Caawa laga dareemayo hotelada M/Muqdisho

Magaalada Muqdisho gaar ahaan  hoteelada  ayaa waxaa Caawa laga dareemayaa qaban qaabada ku aadan kala-fadhiga Baarlamaanka 10,aad kulankiisa 2,aad  oo Beri ka furmaya Magaalada muqdisho.

Xildhibaanadii ugu badnaa ee ebid ayaa haatan ku sugan Magalada Muqdisho si ay uga qeyb galan kulanka Baarlamaanka oo ka duwan kulamadii caadiga ahaa.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa la filayaa in uu kulankaas furo,waxana xildhibaanada qaarkood la sheegay in ay mooshin ka keeneen Xukuumada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hotelada ku yaalla Muqdisho qaarkood ayaa waxaa Caawa shirar kala duwan ku leh Xildhibaanada labada Aqal ku waas oo ka hadlaya qaabka qof walba uga qeybgeli doono kulankaas.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media