Kulan Maanta Deegaanka Baanyaaleey ku dhexmaraya Waxgaradka Beelihii dagaalamay

Maanta ayaa la filayaa in ay deeganka Banyaaleey ee gobolka Hiiraan ay ku kulmaan Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda Beelihii dhawaan ku dagaalamay halkaas si xal buuxa looga gaaro daagal beeleedyadii dhex maray labadii maleeshiyo Beeleed.

Masuuliyiin ka kala socda Maamulada Hir-Shabeelle iyo Ahlusuna Wal-Jamaaca ayaa dhawan ku guuleestay in ay kala qaadaan Maleeshiyaadkii wada dagaalamay islamarkaana la kala geeyo deegaan isku jira ilaa 10km taas oo keentay in uu dagaalka joogsado.

Kulanka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa dagaaladii dhacay iyo khasaarihii ka dhashay iyo sidoo kale sidii heshiis buuxa looga gaari lahaa dagaaladaas maadaama dadka wada dagaalamaya ay yihiin dad wada Dhashay oo dhul iyo daaqsin wadaaga intaba.

Qaar ka mid ah Waxgaradka ka qeybgalaya kulankaas ayaa waxa ay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho u sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in dagaal beeledkii dhacay xal buuxa laga gaari doono.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media