Kulan Looga hadlayo Qorshaha Shirka Londan oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Waxaa goor dhow Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane lagu wadaa inuu ka dhoco kulan wada tashi ah oo ku saabsan qorsha shirka 11-ka bishan May ka dhacaayo magaalada London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Madaxda sare ee Dowladda federaaka,xubno ka socdo beesha caalamka iyo masuuiyiin kale aya ka qeyb galaya shirka oo si aad ah looga hadli doono, sidii Soomaaliya ay madasha Londhon ugu tagi lahayd Hal waji ama qorshe mideysan, waxaana taasi madaxda dowladu ay ka sameynayaan wadatashi guud.

Dhawaan madaxdd dowladda ayaa kulan gaar ah u qabtay madaxda dowlad goboleedyada hoosyimaada dowladda federaalka oo ay ka wada hadleen qorshaha shirka London, waxaana madaxdu ay isla garteen in shirkaasi lala tago qorshe mid ah oo dowladda iyo madaxdu maamulada ay ka mideysanyihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media