Kulan looga hadlaayay ammaanka deegaanada Jubbaland oo Maanta qabsoomay

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Adan ayaa shir Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen laamaha Amniga Jubaland oo ka qabsoomay  xarunta Madaxtooyada Jubaland.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka qaybta 43-aad ee Jubaland.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa la iskaga xogg wareeysanayey xaaladdaha Amniga, Howlgalada xoreeynta deegaanada maqan iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee ka dhacday degaanka Garileey ee gobolka Gedo halkaas  oo la sheegay in lagu dilay dad shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor