Kulan la’isku mari la’yahay oo u socda Shariif Xasan iyo Xildhibaanada Koonfur Galbeed

Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa weli kulan uga socdaa Xildhibaanada Maamulkaas iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sigaar ah Shariifka ayaa waxa uu kulan la leeyahay xildhibaanadii ka keenay mooshinka ee gaaraya sida ay xogta ku helnay ilaa 90 Mudane.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa mooshinka ay xildhibaandu ka keeneeyn Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, taas oo xiisad Siyaasadeed ka abuurtay Magaalada Baydhabo.

Kulanka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu jiro weli isfahamwaa ka dhex jira Madaxweyne Shariif Xasan iyo xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaano ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan kulan ku yeeshay Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in Shariif Xasan Maalmaha soo socdo uu Shacabka ka mid noqon doono, waxaana dhankiisa  Shariif Xasan uu haatan iskudayayaa in uu mooshinkaas hakiyo inta aysan ka gudbin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media