Kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ayaa looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga soo gala Dowladda

hir aan caadi ahayn oo ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa looga hadlay arrimaha maaliyadda, iyadoona warbixin looga dhagaystay Wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda mudane Maxamed Aadan Farkeeto ayaa golaha warbixin ka siiyey, si dowladu u hesho dakhli ay ku dabooli karto baahiyaha taagan in xooga la saaro sidii shirkadaha waaweyn ay u bixin lahaayeen caanshuurta ku waajibtay iyo in kor loo qaado tayeeynta shaqaalaha canshuuraha aruuriya.

“Waxaan maanta ku faraxsanahay inaan golaha uga warbxiyey sidii loo maarayn lahaa dakhliga dowlada u soo xarooda iyo in wixii su’aalo ah oo ka jira dhanka maaliyadda aan idinla qaybsado, waana arin soo dhaweyn leh in xukuumadu ahmiyad gooni ah siisay maanta dhagaysiga talooyinka wasaarada iyo warbixinadeeda” Wasiirka Maaliyadda mudane Fergeeto.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowlada looga fadhiyo in shacabkeeda ay siiso adeegyada lagama maar-maanka u ah nolosha sida; caafimaadka, Waxbarashada, amniga iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, wasiirka ayaa xusay in dhamaan arrimhaas lagu guulaysan karin hadii aan la helin dhaqaalo wax looga qabto.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay iney golaha u soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyada 2015, si loogu saleeyo dakhliga u soo xarooda dowladda iyo in wax layska weydiiyo dhaqaalihii laga filayey dibada oo aan soo xaroonin.

“Miisaaniyadii aan ku talaganay 2015 waxay ku salaysnayd 50% dakhligeena gudaha ka soo xarooda, sedexdii bilood ee ugu danabysay waxaa ku yimid hoos u dhac miisaaniyadii aan ka filayney dibadda, waxaana laysku raacay in la beekhaamiyo kharashyada ku baxaya dowaldda, dood dheerr ka dib waxaa la qaatay tala soo jeedin ku aadan qaabkii loo kordhin lahaa dakhliga iyadoo wasaarad kasta lagula xisaabtamayo dakhliga ay qabato, si uu u noqdo mid toos loogu shubo Bangiga Dhexe” ayuu yiri Wasiirku.

Ugu danabyntii Wasiirka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in shacabka Soomaaliyeed la xisaatamaan Wasaarada Maaliyadda, waxna ka ogaadaan kharashaadka soo gala dowladda iyo halka ay ku baxaan, xaqna u leeyihiin iney dowladda ka helaan adeegyada u baahan yihiin.

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
[email protected]

IMG 3664
IMG 3642
IMG 3640
IMG 3651
IMG 3654
IMG 3667
IMG 3678
IMG 3717

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor